Walaalayaal, waxaan halkaan idinkugu soo bandhigaynaa mashaariic wax ku ool ah oo ilaahay raxmadiis darteed aan ku guulaysanay inaan ka fulino magaalada Dhinawda.
Waxaan kale oo aan soo bandhigi doonaa, haddii eebe idmo, mashaariic ayaguna qorshaha noogu jirta in mustaqbalka laga fuliyo.
Halkaan ka daawo Dugsiga Hoose Dhexe ee Dhinawda.
Hagarbaxayaasaha:
- Abdullahi Yasin Shikh Cali – Asaasaha & fuliyaha Mashruuca
- Guuleed Ahmed Abdullahi – Kaaliye
- Mohamed-Yasin Shikh Ali – Kaaliye
- Abdurahman Aden Osman – Kaaliya
Akhriste, adiguna su’aalahaaga, fikradaada soo qor
Baaxadda mashruuca waxbarasho, tirada ardayda, iyo video-ga masaajidka weyn ee culuumta ee Dhinowda dhawaan baan soo gudbin doonaa inshaallahu tacalaa
Advertisement
Walaalkay & Walaashay.
Adduunka waa laga tagayaa, ee ka qayb qaado mashruucaan.
Waari Mayside war ha kaa haro!
Comment by Great Project — August 12, 2009 @ 7:31 pm |
Al hamdu lillahi
Comment by Osman — September 13, 2009 @ 3:11 am |
ASCWB waaxaan mahada balaaran u jeedinyaa dadka hoos ku xusan oo kal ah :
1.Abdullahi Yasin Shikh Cali
2.Guuleed Ahmed Abdullahi
3.Mohamed-Yasin Shikh Ali
4.Abdurahman Aden Osman
Waxaad sameeyseen camal wanaagsan oo aakhiro iyo aduunyaba dadka anfacayo , allah idinka abaal mariyo.
Mahadsanidiin.
Comment by Cabdi Cali Xasan (Raabuush) — September 16, 2009 @ 7:06 am |
waan idiin salaamayaa walaalayaal dhamaantiin waana idiin mahad celinayaa dhamaan tiin wanaaga aad sameeseen illah ha idinka abaal mariyo wanaaga aad sameeseen wey fiicnaan laheyd in aan gacan ka geysto horumarkaan iyo wanagaan inshaa allaah waana ka geesan doonaa wana ku farxay in aan arko beesheyda oo saan isku taakuleneyso oo gacmaha isheesto ma maleeneyn in dhinowdo ama meel beesha shiikhaaleed ey dagan yihiin in ey shiikhaa;l u tirsan tahay maashaa allaah baan idiin leeyahay muuqdo oo cadkiina dhacsada nabad iyo caafimaad baan idiin rajeynayaa asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Comment by nimco c/llaahi siciid dhalaweyne — September 18, 2009 @ 6:07 pm |
Waa salaamantihiin dhamaan walaalaha waqtigooda qaaliga ah geliyey in ay hirgeliyaan iskuulka dhinuuda iyo masjidkaba.
waa mashruuciga ugu fiicnaa ee aankaro marka laga reebo sahankii taariiqiga ahaa ee deegaanada jubbada hoose iyo jubbada dhexe.
webmaster jilibweyn.com
Comment by Cabdullahi Axmed — September 21, 2009 @ 4:14 pm |
Asalamu calykum Walaalayal dhamaantin.
Waxan aad ugu faraxsanahay in aan maanta aan arko wax qabadkinan waana xaqiiqdi idinkaga mahadcelinaya mas’uliyada iyo dadaalka aad isa saarteen Allah ha idinkaga abaalmariyo.
Walaalayal waa arin aan ubaahneen waxqabadkeeda naguna jirtay wacyigalinteeda sidii aan walaalahen wax ugu qaban lahayd mid xaga wax barashada schooladi iyo xaga ceelasha.
Walaalayal waxan jeclaan laha in aan gacan ka geysto wanaagan iyo horomarka aan horay u qaadnay.
Waa anigoo ahmed ah oo markale idinkaga mahadcelinayo
wabilaahi towfiiq.
Comment by Ahmed Husein Mohamud {Kabaray} — September 22, 2009 @ 1:14 am |